Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha cusub ee Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray & Wasir Fiqi oo..(Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay  nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala  duwan ee iskaashiga.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn uga taageera Somalia dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadamnimada, waxaana Somalia ka jooga boqolaal askari oo milateriga DF ka taageera arrimaha tababarada iyo howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Related posts

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada dadkii ku barakacay Colaada magaalada Laascaanood oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Al Bashiir oo xaaladu ku xun tahay kana hadlay wal walka uu qabo

Cabdi Cade