Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo taageeray RW Xamsa Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo gaar ah la qaadanaya Xildhibaannada, ka hor inta aan la hor-geyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, si loogu qaado codka Kalsoonida.

Xamsa ayaa maanta kulan la yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka ee laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle, isaga oo ka codsaday in ay siiyaan codkooda maalinta Kalsoonida loo qaadayo.

Ilo ku dhow kulanka Xamse iyo Xildhibaanada ayaa sheegaya in ay ka ballan qaadeen si buuxda codkooda iney u siin doonaan, isla markaasna ay wadajir ula shaqeynayaan Xukumadda uu soo dhisi doono.

Maalinta Arbacada ayaa la filayaa in Golaha Shacabka ay yeeshaan fadhi codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Xamse Cabdi Barre.

Related posts

Wajiga Cusub ee Shirka Muqdisho iyo Bahdilaada Sadex Madaxweyne maamul goboleed !!

Cabdi Cade

Nin Caado ka dhigtay in uu xado dharka loo xiro caruusada iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hogaaminayo oo caawa dalka ka dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---