Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo maanta safar dibeda ah ugu ambabaxay labo dal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah safar ugu baxay dalka dibaddiisa.

Deni oo ku sii jeeda waddanka Imaaraadka Carabta ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Haaman, waxaana sii raacay xubno ka tirsan dowladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu sidoo kale safarkiisa ku sii mari doono magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Madaxtooyada Puntland weli kama hadlin ujeedka safarka madaxweyne Deni uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta hase ahaatee Imaaraadka ayaa Puntland la leh xiriir wanaagsan.

 

Related posts

Xuska Midowgii labada Jarmal oo Muqdisho lagu qabtay & Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay sida ay u aragto Madal Muqdisho looga dhawaaqay

Cabdi Cade

Antonio Guterres oo ka hadlay Rabshadihii Muqdisho Baaqna u diray Dhinacyada isku haya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---