Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Alexandar oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Somalia (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, xiriirka labada dal ayaa soo bilowday Sanadka 1960 bishii October.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan iyo sida Soomaaliya ay uga soo kabanayso mudadii ay Dowlad la’aanta aheyd.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa ahaan jiray mid aad u wanaagsanaa ka hor inta aysan Dowladda dhaxe ee Soomaaliya aysan burburin, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer, hadda ay Serbia diyaar u tahay xoojinta xiriirka soojieenka ahaa. Iyadoo ganacsato iyo arday badan ay ka faa’iideysan doonaan calaaqaad labada dal.

Related posts

Aadan Madoobe & wafdigiisa oo soo gebagebeeyey booqashadii Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Muungaab oo soo bandhigay qorshaha hortabinta u leh 100 ka maalmood ee soo socda

Cabdi Cade

Mareykanka oo amar adag siiyey Raisul Wasaaraha Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---