Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo booqday dhismaha Safaarada Soomaalida ee Nairobi (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyey.

Rooble ayaa ku soo wareegay qeybaha safaarada, isagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha safaarada iyo adeegyada ay siiso bushada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas kula hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, isagoo kaga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan dhinacyada Siyaasada, amniga iyo doorashooyinka.

Waxaa uu kula dardaarmay xubnaha Jaaliyada Soomaalida inay ixtiraam kula noolaadaan dadka reer Kenya ee soo dhaweeyay ,ugana shaqeystaan.

Related posts

Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Munich

Cabdi Cade

(Akhriso Magacyada) Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali

Taliyihii saldhiga Booliiska Hodan iyo dad kale oo badan oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---