Mid ka mid ah Xarumaha ugu Muhiimsan dowlada oo dib loo dhisayo (Daawo Sawirro)

Dowlada federaalka Somalia ayaa qorsheysneysa iney 28 sano ka dib ku sameyso dib u dhis xarunta rasmiga ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha oo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Muqdisho.

Xaruntan oo ku taalla degmada Boondheere dhabarka dambe ee Safaaradii Talyaaniga ayaa si xun u burbursan waxaana ku nool qoysas barakacayaal aah oo ka dhistay bushash iyo guryo cooshado ka sameysan.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa tobankii sano ee ugu dambeeyey ku shaqeyneysay xafiisyo ku meel gaar ah oo ku dhex yaalla xarunta gurmadka deg deg ah ee Booliska (Otto-otto).

Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) ayaa kormeeray xaruntii hore ee Wasaarada isagoo ka dalbaday dadka halkaas degan inay baneeyaan si dib u dhis loogu sameeyo.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan uguna shaqada badan dowladda Somalia, Waxaana dad badan ay nasiib daro ku tilmaameen iney ku shaqeyso xafiisyo ku meel gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -