Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Gorgor oo howlgal sifeyn ah ka wada degmada Ruun-nirgood iyo duleedkeeda(Sawirro)

Ciidanka kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha iyo daafaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka wada howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Ciidanka ayaana tagay bannaanka degmada Ruun-nirgood si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee degmadaasi, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgallo ay uga hortagayeen weeraro Al Shabaab uga yimaada.

Taliyaha guutada 18-aad Gorgor Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa hoggaaminaya howlgalka, ayaa sheegay in ciidanka u taagan yihiin xaqiijinta ammaanka degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Ciidamada ayaana goobaha ay tageen kula kulmayay shacabka degan , waxa ayna ciidanka shacabka kala hadlayeen xaaladooda, iyagoona u sheegayay in ay diyaar u yihiin kahor taga kooxda Al Shabaab ee shacabka dhibaateysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin xaaskiisi hore oo carruur u heysay dilay isna daqiiqado kaddib la dilay

Cabdi Cade

Qado Sharaf loo sameeyay Madax badan oo isugu jirta Muxaafid iyo Mucaarad (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo ka farxiyey boqol ka mid ah dadka naafada ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---