Allbanaadir.com
NEWS

Qado Sharaf loo sameeyay Madax badan oo isugu jirta Muxaafid iyo Mucaarad (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qado sharaf u sameeyay Madaxda DFS, Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan Garoowe.
 
Qada sharafta oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka DFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS Mudane Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
 
Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Garoowe kaga qeybgalay madasha aragti-wadaaga ee Heritage.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil Booliis oo loo jaray Waaran soo qabasho ah iyo Dambiyada loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wasiirada arrimaha dibeda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Qadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Jubba (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---