Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Ankara kula tukaday ciida Madax Turki ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan inay si cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

Xassan shiikh ayaa safaro ku soo maray dalal ka tirsan Yurub oo ay ka mid yihiin Norway Iyo Switzearland halkaasoo uu kaga soo qeyb galay isaga iyo wafdigiisa shirar caalami ah.

Related posts

Faahfaahin :-Kiiska Badda weji kale yeeshay & Khilaaf cusub oo soo shaac baxay

admin

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Wadaadi Walad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo soo saartay Amar cusub oo ka dhan ah dadka Faafiya Wararka Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---