Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Shan nin (Akhriso Magacyada)

Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay rag ay ku eedeysay iney u basaasayeen dowlado ay ka mid yihiin Kenya iyo Itoobiya.

Fagaare ku yaalla degmada Kurtun-waarey ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa lagu toogtay Shan oo basaasnimo lagu soo eedeeyey.

Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ayaa goobta ka aqriyay Xukunka dilka  ah ee lagu xukumay Shanta nin ee la toogtay oo kala ahaa:-

1-C/qaadir Cumar Xasan oo da’diisu tahay 23 Jir ayaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Maamulka dowladda Federaalka ee degmada Qoryooley.

2-C/qaadir Shukri Xasan oo da’diisu tahay 30 Jir ayaa waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka.

3-Muxamed Abshir Cali oo da’diisu tahay 35 Jir waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobalada Bay iyo Bakool.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu tahay 30 Jir waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka.

5-Cali Yuusuf Axmed (Jacfar Dheere) ood da’diisu aheyd 36 Jir dowladda Kenya inuu la shaweyn jiray ayaa lagu eedeeyey.

Al-shabaab ayaa degaanada ay ka taliyaan ka ka fuliya xukuno isugu jira dil iyo kuwo kale oo lagu qaado shaqsiyaad lagu eedeeyo iney basaasiin ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -