Allbanaadir.com
NEWS

Koox lagu eedeeyay iibinta kaararka aqoonsiga Xajka oo been-abuur ah oo la xiray

Ciidamada ammaanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa xir xiray dad ajaaniib ah oo ku sugnaa dalkaasi, kuwaa oo lagu eedeeyay  inay xayaysiinayeen sidoo kale iibinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah.

Shabakadda wararka Xaramka ee Insde Haram ayaa baahisay in ciidamada ammaanka xir xireen 14-qof oo kasoo kala jeeda dalalka Hindiya, Masar, Pakistan iyo Indonesia, kuwaa oo si sharcidarro ah u iibinayay kaararka aqoonsiga Xajka.

Dadkan ajaaniibta ah ee xir xireen ciidamada qaabilsan ilaalinta goobaha barakeysan ayaa la sheegay in Sacuudiga ku joogeen viiso booqasho, waxaana dadkan la xir xiray loo gudbinayaa maxkamad.

Sacuudiga ayaa horey uga digtay in falal musuqmaasuq ah lagu sameeyo arrimaha xajka, waxaana dadkan hadda la xir xiray ay mateysanayaan ciqaab isugu jirta xarig, ganaax lacageed iyo musaafurin.

Goobaha barakeysan ee Sacuudiga waxaa gaaray sannadkan dad ka badan 1.3 milyan oo Xujey ah, kuwaa oo sannadkan nasiib u yeeshay in ay xajiyaan, waxaana la adkeeyay ammaanka goobaha barakeysan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaari dagaal iyo Hub ay dagaal kusoo qabsadeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya iyo iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixay $80 Milyan oo Looga fulinayo Mashaariic (Sawirro)

Cabdi Cade

Xayawaan laga daad gureeyay magaalo dadkeeda Go’doon ku jiraan !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---