Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaari dagaal iyo Hub ay dagaal kusoo qabsadeen (Daawo Sawirada)

Xarakada Al Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe kusoo bandhigtay gaari dagaal oo nuuciisu yahay Cabdi Bille uu ku xiran yahay qorayga dhashiikaha iyo hub kala duwan oo ay sheegeen in ay kusoo qabsadeen weerarkii Baar Sanguuni.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen dagaalyahanadooda Baarsanguuni kusoo qabsadeen gaari tikniko ah iyo hub kala duwan ay lahaayeen ciidamada Jubbaland.

Al Shabaab ayaa weerar xoogan isbuucii hore horaaniisa ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho oyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -