Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Soomaaliya iyo iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixay $80 Milyan oo Looga fulinayo Mashaariic (Sawirro)

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa maanta si wada jir ah u saxiixay $80 Milyan oo ah qaybtii hore ee mashruuca bank-ga adduunku uu dawladda Soomaaliya ku abaal mariyay.

Wasiirka maaliyadda XFS ayaa sheegay in Bank-ga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga shaqeeyeen hannaanka dayn cafinta kadibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo $140 Mliyan oo $80 Milyan oo kamid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska $80 Miylan ah ka sheegtay in Bank-ga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midawga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dadka Soomaaliyeed sida buuxda ee ay uga qayb qaateen dadaallada dib-u-hagaajinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna shaaciyay hadii dadaallada ay dawladdu wado lasii dardar-geliyo in lagu tillaabsanayo horumar intaan ka ballaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyooyin  culays lagu saaray in ay dilaan carruurtooda naafada ah !!

Cabdi Cade

Galmudug oo ka shireysa dhibaato halis ah oo ka Jirto degaanada Maamulkaasi

admin

Axmed Madoobe oo kormeer ku tagay Mashruuca biyo gelinta ee Yoontooy (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---