Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdigi uu horkacayey oo gaaray Oslo-Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway,

Waxaa halkaas uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood qaadan doonta sida ay sheegtay madaxtooyada Somalia.

Xassan Shiikh ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024 oo ay ka qeyb galayaan madax fara badan iyo ururo caalami ah.

Madaxweynaha ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway isagoo warbixin ka siin doona xaalada guud ee dalka.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo ka carooday dhoola tus milateri oo Sacuudiga ka qeyb galay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan iyo dhigiisa Imaaraadka oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Tirada Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka Sanadkan ka geesteen Soomaaliya oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---