Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan iyo dhigiisa Imaaraadka oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay safar aan horey loo sii shaacin ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka labada Madaxweyne oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, ayaa labada mas’uul waxay isku dhaafsadeen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar baaxad leh.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu mugdi sii galayay xiriirka ka dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, kaddib markii Imaaraadka shir weyn oo ka dhacay dalkaasi ku casuumeen si maqaam sarana uu uga qeyb galay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xilliga ay dhacayaan doorashada Guddoonka labada aqal oo goordhaw la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Rajab Erdogan oo shaaciyay War ka farxiyay Shacabka dalkaasi 

Cabdi Cade

Wargeys shaaciyay in Xiriir ka dhaxeeyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Ururka Al Qaacida !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---