Allbanaadir.com
NEWS

Benny Gantz oo iska casilay Golaha Wasiirada dagaalka Israel & Netanyahu oo..

Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha wasiirada ee dagaalka Israel Benny Gantz ayaa iska casilay xukuumadda degdega ah ee Israa’iil, isagoo dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Ka tagista dowladda waa go’aan adag oo xanuun badan,” ayuu yiri Gantz hadal laga sii daayay taleefishinka. Laakiin, wuxuu yidhi, “Netanyahu wuxuu naga horjoogsanayaa inaan horay ugu socono guul dhab ah (Gaza). Taasi waa sababta aan maanta uga baxayo dowladda” ayuu yiri wasiirkii hore ee difaaca Israel.

Gantz oo loo arko inuu yahay shaqsiga loolanka siyaasadeed ee koowaad kula jira Netanyahu, ayaa markii hore la filayay inuu is casilo Sabtida, hase ahaatee Waxa uu dib u dhigay shirkiisa jaraa’id oo la qorsheeyay, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya  howlgalka Israel ay ku soo furatay afar qof oo lagu qafaashay  bartamaha Gaza.

Bixitaanka Gantz waxay dharbaaxo ku tahay Netanyahu, kaasoo wajahaya cadaadis caalami ah oo sii kordhaya si loo soo afjaro colaadda Gaza, mudaaharaadyo ballaaran oo maalinle ah ayaa Israa’iil ka dhacaya iyadoo cadaadiska siyaasadeed uu sii ku kordhayo .

Ka bixitaanka Gantz ee dawladda ma burburin doono aqlabiyadda Netanyahu ee sharci-dejinta dalka, sababtoo ah Gantz kama mid aha isbahaysiga talada haya. Laakin waxa ay halis u tahay go’doon hor leh oo ku wajahan ra’iisul wasaaraha.

 

 

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo 30 sano ka dib yeelatay Xoghaye rasmi ah

Caydiid Ali

Ciraaq oo xiriirka diblomaasi u jartay Sweden ka dib markii la gubay Quraanka

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Xiliga Baarlamaanka la horgeenayo Mooshinka Jawaari oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---