Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo 30 sano ka dib yeelatay Xoghaye rasmi ah

Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Jabuuti, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur, ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah ula wareegay xilkiisa cusub oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo bedelay Xoghayihii Joogtada KMG ahaa Mudane Maxamed Isxaaq Aadan, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi.

Hadal uu ka jeediyay xafladda, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu ku booriyay Xoghayaha joogtada cusub inuu dejiyo qorshayaashiisa shaqo si uu uga guul keeno ujeeddooyinka siyaasadeed ee Wasaaraddu u igman tahay iyadoo la raad-raacayo dhammaan howlaha gudaha iyo dibadda, lana tixgelinayo dhammaan qawaaniinta la xiriirta, waxa uu tilmaamay baahida loo qabo in la mideeyo dadaallada kor loogu qaadayo maqaamka iyo sharafta Soomaaliya ee shirarka caalamiga iyo kuwa gobolka.

Wasiirka waxa uu farta ku fiiqay in dhismaha Wasaaradda uu isku bedeli doono bisha May ee nagu soo fool leh goob doog leh oo nasiinno leh, iyadoo la dhisi doono naadiga diblomaasiyiinta, goob lagu qaxweeyo iyo garoomo kubadda lagu cayaaro, isagoo xusay in Wasaaraddu leedahay masjid qurux badan, waxa uuna intaasi ku daray in dib u dhiska Wasaaradda iyo qalabaynta xafiisyada uu barbar socon doono howsha lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadda shaqo ee diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Iyadoo la fulinayo tilmaamaha rasmiga ah ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu magacaabay Danjire Maxamed Cali Nuur inuu noqdo Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda maalin khamiis ah, taariikhduna ahayd 20 Febraayo.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aanay yeelan Xoghaye joogto tan iyo 26 Janaayo, 1991 oo dowladda dhexe ee dalka ay burburtay xilligaasi, waxaana xoghayihii joogtada ugu dambeeyay Wasaaradda ee shaqeeyay dhammaadkii sanadkii 1990 uu ahaa Mudane Danjire Cabdullahi Xaaji Cabdiraxmaan “Sayidka”.

Tan iyo dib-u-soo-nooleynta shaqadii iyo howlihii Wasaaradda Arimaha Dibadda xilligii dowladihii ku-meelgaarka ahaa laga soo bilaabo 2000 illaa 2012, waxaa maareyn jiray dhowr agaasimeyaal guud.

Tan iyo 2013, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa maareeyay sagaal xoghaye joogto kumeel gaar ah, oo magacyadoodu kala yihiin sidan soo socota:

1- Danjire. Maxamed Shariif Maxamuud
2- Danjire. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liiban “Dhabancad”
3- Avv. Xirsi Xaaji Culosow Xirsi
4- Mudane. Cabdi Ciise Diirshe
5- Mudane. Cabdullahi Dool Maxamed
6- Sheekh Yuusuf Cali Maxamed “Yuusuf Afgooye”
7- Danjire. Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali”
8- Danjire. Saciid Xaaji Maxamuud Faarax
9- Mudane. Maxamed Isxaaq Aadan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -