Ciraaq oo xiriirka diblomaasi u jartay Sweden ka dib markii la gubay Quraanka

Ciraaq ayaa dalkeeda ka ceyrisay safiirkii dalka Sweden u fadhiyey Baqdaad iyadoo ka careysan gubitaanka qur’aanka kariimka ah oo mar kale ka dhacay Magaalada Stockholm, taasoo keentay sidoo kale in boqollaal qof oo mudaaharaadayey ay xoog ku galaan safaaradda Sweden ee Baqdaad.

War kasoo baxay dowladda Ciraaq ayaa lagu sheegay in Baqdaad ay sidoo kale dib ugu yeertay diblomaasiyiintii ka joogay dalka Sweden.

Wakaaladda wararka ee Ciraaq ayaa sheegtay in Ciraaq ay joojisay ruqsadda shaqo ee shirkadda Ericsson ee dalka Sweden horey loo siiyey.

Dibad-baxayaal ka soo horjeeda Islaamka oo mid ka mid ah uu yahay nin Ciraaqi ah oo Sweden u soo guuray ayaa Quraanka ku gubay bannaanka masaajidka Stockholm bishii June, waxayna maanta mar kale ogolaansho ka heleen booliiska Sweden iyagoo qorsheynayey iney Quraanka Kariimka ku gubana bannaanka safaaradda Ciraaq.

Wasiirka Arrimaha dibadda Sweden Tobias Billstrom ayaa sheegay in Shaqaalaha safaaradooda Baqdaad ay bad qabaan balse mas’uuliyiinta Ciraaq ay gabeen mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta safaaradda.

Dowladda Ciraaq ayaa si kulul u cambaareysay falkii lagu gubay safaaradda Sweden, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiicada Al-Sudani, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa mid lagu carqaladeynayo ammaanka, isagoo ballan-qaaday inay ilaalin doonaan howlaha diblumaasiyadeed.

Laakiin Baqdaad waxay sidoo kale ku wargelisay dawladda Sweden soo noq-noqoshada dhacdada la xiriira gubista Qur’aanka Kariimka ee dhulka Sweden ay sababi karto in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Magaalada Washington, Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarka lagu qaaday safaaradda Sweden ee Baqdaad, waxaana ay ku dhaleeceysay ciidamada ammaanka Ciraaq inaysan ka hor istaagin dibad baxayaasha.

Hase ahaatee Shir jaraa’id oo uu qabtay galabta wadaadka shiicada Ciraaq ee saamaynta ku leh siyaasadda Muqtada al-Sadr, ayaa sheegay in Maraykanku uusan xaq u lahayn in uu cambaareeyo falka lagu gubay safaaradda Sweden, balse ay ahayd inuu cambaareeyo falka lagu gubayo qur’aanka kariimka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -