Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Ruushka oo ka hadashay xubinimada Somalia ee Golaha amaanka QM

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in ay ugu hambalyeynayso Dowladda Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Zakharova ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda guushan iyo doorka Soomaaliya ay ka qaadan karto Golaha Ammaanka.

Afhayeenka ayaa Waxay intaas raacisay: “Waa hawl aad u adag maadaama aan ku jirno marxalad taariikhi ah, balse, waxaan hubaa in dalkiinu gudan doono waajibaadka hor yaalla”.

Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gudan karto mas’uuliyaddan weyn, iyadoo u rajeysay horumar.

Related posts

Madaxdii hore oo ku baaqay in wadahadal lala galo Shabaab & su’aallo adag oo la weydiiyey wasiirka amniga !!

admin

Wasiirka amniga gudaha oo ka hadlay Qaraxyadii caawa hareeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Booliiska Somaliland oo xiray 9 nin oo u dhalatay Imaaraatka iyo Sababta keenay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---