Isbitaalka Kalkaal oo soo gebagabeeyay Qaliino ay sameeyeen Dhaqaatiir Ajnabi ah (Sawirro)

Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah Isbitaalada waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa Jimcihii soo gabo gabeeyay qaliino socday 10 maalin oo lagu sameenayay qeybaha kala duwan ee Lafaha sida, Bedelka Jilbaha iyo sinaha, toosinta lafaha qaloocday, kabista lafaha jabay iyo kuwo xanuunsan.

Qaliinadan waxaa sameenayay Dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya kuwaa oo adeegsanayay qalab casri ah , waxa ayna dhaqaatiirtan qaliino badan u sameeyeen dad badan oo xanuuno dhinaca lafaha qabay.

Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa noqday isbitaalkii ugu horeeyay ee dalka keenay dhaqaatiir fulineysa qaliinada cudurada ku dhaca lafaha, waxaana inta badan qaliinadan dadka Soomaaliyeed u aadi jireen dalka dibadiisa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlaha caafimaad uu bulshada u hayo isbitaalka Kalkaal oo mar walbo isku howla in dalka keenaan dhaqaatiir xirfad sare leh sidoo kale adeegsanaya qalab casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -