Allbanaadir.com
NEWS

Bacadlihii Xamar Weyne oo la duminayo & Mall casri ah oo laga dhisayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Mall weyn oo caalami ah kaasoo laga dhisaayo Dhismaha suuqii Bacadlaha ee Degmada Xamarweyne.

Suuqaan Casriga ah ayaa ka koobnaan doonna illaa 500 dukaamo, goobo nasasho, Xafiisyo, Bankiyo iyo goobo caruurta lagu madadaaliyo.

Talaabadan ayaa ka dhigan in guud ahaan la duminayo Suuqii baclaha Xamar-weyne oo ka kooban in ka badan kun dukaan, kaasoo ay dhistay dowladii kacaanka ee la riday 34 sano ka hor, waxaana xusid mudan in dhismahan oo ka kooban 3 dabaq la duminayo, iyadoo aan la degin, waxaana haatan maalgashanaya ganacsato heshiis la gashay DF.

Duqa Muqdisho sheegay in Maamulka Gobolka uu dhiiragalinayo talaaba kasto oo maalgelin taasoo lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maamliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka Degmada Xamarweyne iyo Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Related posts

Jen. Biixi oo ka hadlay muhiimada ay Al-Shabaab u laheyd degaanka Budbud

Caydiid Ali

Xaguu ku Dambeeyay Sheekh Muktaar Roobow oo u xiran Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ?

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ka digtay halis ku soo wajahan dalal ay ku jirto Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---