Meydka qof si fool xun loo dilay oo saaka la soo dhigay xaafad ka tirsan Muqdisho

Meydka qof rag ah ayaa saaka lagu arkay meel u dhexeysa Isgosyada Black sea iyo Baara-ubax oo ka tirsan wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho.

Meydka qofka lagu arkay goobtaas ayaa la sheegay iney jirkiisa ka muuqdeen dhaawacyo halis ah oo loo adeegsaday midiyo iyo waxyaabo kale sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Ciidamada ammaanka DF oo goobtaas gaaray ka qaaday meydkaas oo sida wararku sheegayaan la geeyey xarunta dembi baarista ee CID.

Lama oga illaa hadda waxaa uu ahaa qofka meydkiisa la helay, cida dishay iyo sababta loo dilay midna, waxaana arintan saaka si weyn looga hadal hayaa xaafadaha ku dhow goobta meydka la soo dhigay.

Khamiistii la soo dhaafay meel ku dhow goobta saaka lagu arkay meydkan waxaa ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday askar ka tirsaneyd ciidamada ammaanka, sarkaal ka tirsan NISA ayaana halkaas ku dhintay halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -