Allbanaadir.com
NEWS

Beel Wareejisay hub loogu tala galay in lagula dagaallamo kooxda Al Shabaab (Sawirro)

Beesha Cabdi Raxmaan Saleebaan oo kamida beelweynta Waceysle Abgaal ayaa wareejisay hub loogu tala galay in lagu caawiyo ciidamada deegaanka Macawuusleyda ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab.

Hubkan ayaa lagu wareejiyay ciidanka Macawuusleyda ee ka howlgala deegaannada Warane, Ceel Qaboobe, Durdur iyo Deegaano kale oo dhaca howdka iyo bannaanka degmada Xarardheere.

Hoggaamiyaha ciidanka Macawuusleyda ee lagu wareejiyay hubkan ayaa ka mahad-celiyay, waxa uuna sheegay in hubkan kula dagaallami doonaan kooxda Al Shabaab uu sheegay in dadka iyo deegaankaba dhibaato ku hayaan.

Beelaha dega degmooyin iyo deegaanno katirsan Galmudug ayaa bilaabay in ay is abaabulaan oo iibsadaan hub lagu difaaco deegaannada laga saaro kooxda Al Shabaab haddii ciidanka dowladda ka baxaan deegaannadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Ruushku u danaynayaa soo celinta xiriirkii uu la lahaa Somalia?

Caydiid Ali

Dowladdii ugu horeysay oo gurmad deg deg ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Mukhtaar roobow oo Xaladiisa cafimaad laga deyrinayo iyo wararka sheegaya Wasiir xilka laga qaaday oo… !!

admin
Taboola Ads ---