Nabadoon caan ah oo lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan (Sababta)

Maleeshiyo hubeysan ayaa galabta ku dilay Nabadoon caan ah degaanka Dhisiqa oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Geelle Faarax Orey, iyadoo maleeshiyadii ka dambeeyay dalkaasi ay goobta ka baxsadeen sida wararku nagu soo gaarayaan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaas uu la xiriiro aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dilka Maanta Maanta dhacay degaanka hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saaka darawal gaari lagu dilay xadka Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya kaasoo qeyb ka ah dilalka aanooyinka qabiil ee labada beelood ay isku ugaarsanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -