Maxkamada Ciidamada oo Xukun adag ku riday rag burcad ah (Daawo Sawirada)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo burcad ah, kuwaa oo lagu helay dambi ah in ay dhac u geesteen dad shacab ah.

Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir.

Burcada ayaa xiliga la qabanayay waxa ay dhac u geesteen dhalinyaro ku sugnaa xeebta Liido kuwaa ay ka qaateen moobeelo iyo agabyo kale ay wateen, waxa ay sidoo kale burcada dhac u geesteen askari aan shaqo ku jirin.

Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay  garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah  13-ka bishii sagaalaad.

Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas.

Aweys ayaa  sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta  marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay.

Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ku wareejisay wiil dhalinyaro ah oo burcadan ka qaateen kaamiro uu ku shaqeysan jiray, waxaana maxkamada fursad u siisay raga xukunka lagu riday in ay qaadaan karaan racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -