Somaliland oo shaacisay in Ciqaab xun Muqdisho lagu marsiinayo Shan nin oo ku eedeysan dilkii…

Magaalada Muqdisho waxaa wali ku xiran shan nin oo la sheegay in ay kasoo jeedaan deegaannada maamulka Somaliland, kuwaa oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dilka Cabdinaasir Dahable oo katirsanaa hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Meydka Cabdinaasir Dahable ayaa laga helay guri uu ka degnaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxa ayna ciidamada ammaanka xireen shan qof oo kamid ahaa dadkii u dhawaa marxuumka ayna wada degnaayeen , kuwaa oo dilka lagu tuhmay.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cabdillaahi Xuseen oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in iyagu ka dambeeyeen dilka Cabdinaasir Dahable , ayna dusha ka saarayaan dilkaasi dad kasoo jeeda Somaliland.

Waxa uu sheegay wasiirka in jirdil xooggan iyo tacadiyo xanuun badan lagu hayo shanta qof ee u xiran kiiska dilka ah ee Cabdinaasir Dahable, waxa uuna xusay in loo dhibaateenayo dadkaasi si ay u qirtaan in dilkaasi iyagu ka dambeeyeen.

‘’Shantii inan ee cabdinaasir Dahable la shaqeynayay ee saaxiibbadii ahaa, ee ay ku masabideen dil kii cabdinaasir oo maalin walba jirdil fool xun ay xaniyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha kaga saarayaan ayaa lagu hayaa’’ ayuu yiri wasiir Cabdillaahi.

Laamaha dambi baarista dowladda Soomaaliya oo kiiskan wali gacanta ku haya ayaan ka hadlin natiijada baarista dilka loo geestay Cabdinaasir Dahable, mana jiraan ilaa hadda maxkamad muuqata oo lasoo taagay dadkan u xiran kiiska dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -