Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Adan Madoobe & wafdi la socda oo gaaray Nairobi (Ujeedka)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray  Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka  kenya ,iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa halkaas  uga  qeyb doona kulanka 17-aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC) oo maalinta beri si rasmi ah u furmi doona Magaaladda Nairobi.

Waxaa shirka  looga hadli doonaa xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka iyo arrim o kale.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maalmaha uu ku suganyahay magaaladda Nairobi waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi iyo madaxda ka qeyb galaysa shirkaas.

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo si kulul uga hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii ka dhacay Galcad iyo dayuuradaha Mareykanka oo..

Caydiid Ali

Hoyga Xasan Khayre oo ka mashquul batay Madaxtooyada Soomaaliya (Ogow Sabab)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---