Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Puntland oo si adag u beeniyay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta  Soomaaliya ayaa shalay war ay soo saartay ku shaacisay in ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah howlgal milatari ka fuliyeen buuraha Caalmadow ee Puntland, ayna halkaasi ku dileen xubno badan oo argagaxiso ah.

War maanta kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaana si adag loogu beeniyay warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxa ayna Puntland sheegtay in aysan jirin howlgal ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen gudaha Puntland.

Puntland ayaana sheegtay in buuraha deegaanka Caalmadow ay joogaan ciidamada Puntland , waxa ay sidoo kale beenin ama rumeyn in buuraha Calamdow ka dhaceen duqeymo lagu dilay dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo talooyin u jeedisay dadka ku dhaqan gobolo ay khatar ku soo wajahan tahay

Caydiid Ali

Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

Caydiid Ali

Ajnabi ka tirsanaa Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---