Wasiir Juxa oo Shaaciyay in aysan heysan dhaqaale ay Diiwaangelin cusub uga sameeyaan…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso goleyaasha deegaanka ee dhiman, lana qabto doorashada 3-da degmo ee dhiman.

Wasiir Juxa oo ka hadlayey kulan looga doodayey jihaynta barnaamijka dawladda iyo dhamaystirka geedi socodka dimuqraadiyadda dowladda Puntland ayaa sheegay in guddiga doorashada ee PEC looga baahan yahay inay ku dhawaaqaan waqtiga kama danbaysta ah ee doorashada la qabanayo.

Wasiir Juxa ayaa intaa ku daray in degmada Garoowe aysan u baahnayn diiwaangalin cusub islamarkaana ay dad ku filan ay iska diiwaangaliyeen, isagoo sheegay inaan dhaqaale iyo waqti loo hayn diiwaangalin cusub.

‘’Magaalada Garoowe waxay ka cod badan tahay marka la isugeeyo gobolka Sanaag, gobolka Haylaan, gobolka Raascasayr iyo gobolka Karkaar oo laga reebay magalada Qardho, intaas oo ah 17 degmo ayey ka cod badan tahay” ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiir Juxa ayaa bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ugu baaqay inay u diyaar garooban qabashada doorashada degmooyinka dhiman ee Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -