Dowladda Mareykanka oo si adag uga hadashay Dagaalka wali ka socda Laascaanood

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarada aan loo meel dayin ee ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo ka dhacay magaalada Laascanood, islamarkaana guryahooda lagala baxay in ka badan 185,000 oo qof.

“Waa in colaadda la joojiyo, ciddii ka dambaysayna lala xisaabtamo” ayaa lagu qoraal kooba oo ka soo baxay qeybta arrimaha Afrika u qaabilsan waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka

Hadalka Mareykanka ayaa yimid kaddib warbixin uu soo saaray khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo walaac ka muujiyay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku dhintay Soomaaliya, ka dib iska horimaadyo ciidamada ammaanka Somaliland iyo dadka degaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool dhexmaray tan iyo horraantii bishii February.

“Waxaan ka xunnahay dilka ugu yaraan 63 qof iyo in ka badan 363 lagu dhaawacay,” ayay tiri Isha Dyfan, oo ah khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Iyadoo soo xiganaysa warbixinnada ku saabsan weerarrada aan loo meel dayin ama ula kac ah ee ka dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, ayay sheegtay in weerarradan ay yihiin kuwo aan sinaba loo aqbali karin oo si toos ah uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadamnimada.

“Kuwa mas’uulka ka ah waa in lala xisaabtamo,” ayuu yiri khabiirka Qaramada Midoobay, isagoo ugu baaqaya mas’uuliyiinta inay xaqiijiyaan dhexdhexaadnimo, wax ku ool ah, iyo baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo dhimashada iyo dhaawaca.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada inay si buuxda u ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego ilaalinta rayidka,” ayuu yiri Dyfan.

Khabiirku waxa uu ka digay in dagaallada ka socda Laascaanood ay ka sii dari doonaan xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidata oo ka jirta guud ahaan gobolka Sool, iyo guud ahaan dalka.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha samafalka, dagaalladii Laas-caanood, oo billowday 6-dii Febraayo, waxaa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof – 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ku celiyo baaqii ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee ku aaddan helitaanka gargaar bini’aadantinimo oo aan la xannibin si ay si deg deg ah wax uga qabtaan baahiyaha dadka barakacay iyo kuwa ay saameeyeen rabshadaha,” ayey tiri Dyfan.

Khabiirka ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada in ay ku heshiiyaan in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, khilaafkoodana lagu xalliyo wada hadal. “Ku guuldareysiga in sidaas la sameeyo waxay la mid tahay in la diido helitaanka caddaaladda iyo sii wadida isla xisaabtan la’aanta,” ayay tiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -