Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanno Al Shabaab isaga carareen (Sawirro)

Ciidanka kumandooska xoogga dalka ee Danab & Gorgor, ayaa maanta la wareegay deegaanka Cali Afrax oo ku yaalla inta u dhaxeysa deegaannada Budbud iyo Towfiiq kuwaasi oo magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud u jira Qiyaastii 15 KM.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al Shabaab isaga carareen deegaannada ay maanta la wareegeen, waxa ayna sheegeen in ay sii soconayaan ayna ka saarayaan Al Shabaab goobaha ay joogaan.

Deegaannadan maanta ciidamada dowladda la wareegeen ayaa horey waxaa ugu sugnaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa ayna hadda Al Shabaab isku aruursanayaan deegaanka Budbud iyo deegaanno kale oo kuyaalla Galgaduud.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa qorsheenaya in ay bilaabaan wajiga labaad howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -