Israel oo haween & caruur ku leysay Iskuul gabaad u ahaa dad shacab ah (Sawirro)

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay Gaza Sabtidii ka dib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay gantaal ku dhufatay iskuul ay gabaad ka dhiganayeen  sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka ee deegaanka.

Iskuulka Al-Nazla ee ku yaal duleedka magaalada Jabalya ee waqooyiga Gaza, ayaa markii duqeyntu ay dhacday waxaa gabaad ku meel gaar ah ka dhigtay dadka ka soo cararay rabshadaha.

Goobjooge lagu magacaabo Saleh Al-Aswad ayaa sheegay in wiilka uu sodoga u yahay laga daweynayo dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Waxa uu intaa ku daray in “Nin caruurtiisa rooti u samaynayey isagoo u malaynaya in meeshan ay tahay meel ammaan ah” lala dilay gabadhiisa.

Milateriga Israa’iil ayaa mar kale kula dagaallamaya Xamaas waqooyiga Qaza, aaggaas oo ay burburiyeen milateriga dhowr bilood ka hor.

Guud ahaan 81 qof ayaa ku dhintay 223 kalena waa ay ku dhaawacmeen howlgallada ay ciidamada Israa’iil ka wadaan Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Dhimashada tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay wasaaraddu sheegtay, hadda waa 35,984 lagu dilay Gaza, iyadoo 80,643 ay ku dhaawacmeen.

- Advertisement -