Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay Xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay!!

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa ka hadlay xil ka qaadis maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi ku sameeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Cali Gacal ayaa sheegay in dadka hoolka ku shiray ee xilka ka qaaday aysan aheyn Xildhibaanada Galmudug, waxa uuna tilmaamay in dadkaasi ahaayeen dad shacab ah iyo xubno dhinac Galmudug kasoo galay Baarlamaanka.

“Xildhibaanno la aqoonsan yahay ma aha waa fowdo, dad shacab ah ayaa meesha lagu soo uruuriyey, aad ayaana uga xumahay, xildhibaannadii dhabta ahaa ee reer Galmudugna way joogaan”. Ayuu yiri Cali Gacal.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xildhibaanadii dhinaca Ahlu sunna kasoo galay Baarlamaanka in aysan wali aheyn Xildhibaano ah laguna heshiin, waxa uuna xusay in ay jireen sadbursi iyo is fahmi waa.

“Raggii aan lagu heshiinin ee sad bursiga ahaa ee la qorayey waayadii dhoweyd ee ka tirsanaa Ahlusunna, ee loogu tala agalay in Galmudug lagu biiriyo, mana la isku afgaran, sababtoo ah khaladaad aad u badan ayaa jiray, lamana aqoonsan. Marka waa raggaas iyo shacab la isku soo daray” ayuu yiri Cali Gacal casir.

Hadalka Gudoomiyaha Baarkamaanka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili maanta Xildhibaano la sheegay in ay katirsan yihiin Baarlamaanka maamulkaasi xilka uga qaadeen magaalada Dhuuso Mareeb

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -