Nin caan ka ah baraha bulshada oo la soo taagay Maxkamada G/Banaadir (Sawirro)

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed ciqaabta ah, lambarkiisu yahay.562/2024 kaas oo eedeysane ka yahay Hanad Cabdiraxmaan maxamed (Waa gariiray) kaasoo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud Qaran ka ku soo eeddeyey faafinta Muuqaallo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee Bulshadda Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay Muuqaallo iyo sawirro uu baraha bulshadda ku faafiyay, kuna sheegeen in ay kasoo hor jeedaan dhaqanka bulshadda.

Sidoo kale qareenka eedeysanaha ayaa ku dooday in Hanad Cabdiraxmaan uu beri ka yahay waxyaabaha lagu soo eedeeyay, asagoo sheegay in muqaalada iyo sawirada ay Xeer-ilaalinta caddaymo ahaan u isticmaashay ay yihiin muuqaalo qof kale oo Hanad u eg leeyahay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa kiiska soo gabagabaysay si waafaqsan 119 XHCS sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamada gobolka Banaadir

- Advertisement -