Al-Shabaab oo sheegtay iney Muqdisho ku dileen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada & Booliska

Al-shabaab ayaa warar ay baahisay ku sheegtay in dabley ka tirsan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ka howlgala Madaxtooyada Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay shalay gelinkii dambe xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku khaarijiyeen sarkaal sare oo katirsanaa madaxtooyada Villa Somalia, kasoo ay magaciisa ku sheegeen Laba-xiddigle Cumar Colow, iyadoo Mooto uu watay ay horey u sii qaateen dableydaasi.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay isla shalay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka btirsan ciidamada Booliskaoo magaciisa lagu sheegay Xiddigow Cumar Dhegajuun.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga magaalada Muqdisho iyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan sheegashada Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -