Madaxweyne Deni oo beesha caalamka ka dalbaday arrin xad gudub ku ah DF

Shir u dhexeeya Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa shirka ka qeyb galaya Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, iyadoo laga wada hadli doono qoondada Puntland ku leedahay Mashaariicda iyo dhaqaalaha dalalka Caalamku siiyaan Soomaaliya.

Puntland ayaa dooneysa iney deeq-bixiyaasha ka dhaadhiciso si toos ah iney u siiyaan qoondada mashaariicda iyo dhaqaalaha lagu bixiyo magaca Soomaaliya, iyagoo diidan in la soo marsiiyo dowladda Federaalka.

Ma cadda in wakiilada beesha caalamku ay aqbali doonaan dalabka Puntland oo dhabarjab ku ah hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya inkastoo dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ay rumeysan yihiin iney adag tahay fulinta dalabkan, iyagoo sabab uga dhigaya in beesha caalamku aysan dooneyn iney ku lug yeelato khilaafaadka madaxda Soomaalida.

Shirkan dhexmaraya Puntland iyo wakiiladda Beesha caalamka ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaaf siyaasadeed ka dhex taagan Madaxweyne Deni iyo Villa Somalia kaasoo sababay in qoondada mashaariicda qaarkood oo ay DF gacanta ku heyso laga xannibo Puntland, si loogu cadaadiyo iney u hogaansanto DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -