Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo gaaray xildhibaano katirsan Baarlamaanka dalka Kenya, kuwaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Xildhibaannadan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ee soo gaaray Muqdsho.

Xildhibaannada Muqdisho yimid oo kamid ah siyaasiyiinta Baarlamaanka Kenya ku matala Soomaalida ku nool dalkaas kuwaa oo kala ah, Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad Kunno iyo Xildhibaan Deeqow Maxamed Barrow.

Xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka Kenya ayaana inta ay joogaan magaalada Muqdisho waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda dalka qaarkood, siyaasiyiyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -