Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lala eegtay Kolonyo gelbineysay taliyaha ciidanka Dhulka DF Jen. Biixi

Qarax ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay inta u dhexeysa degaanada Wisil iyo Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug

Sida wararku sheegayaan Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu geystay qaraxaas kaasoo soo gaaray Askartii saarneyd gaari ka mid ahaa kolonyada

Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Biixi ayaa la sheegay inuu ka badbaaday qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen Al-shabaab.

Warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidanka xooga dalka uu ku dhintay qaraxaas halka 7 askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Jen. Biixi iyo saraakiil kale ayaa mudooyinkan ku sugnaa degaano ka tirsan gobolka Mudug isagoo wax ka hogaaminayey howlgalo ciidamada DF iyo kuwa Galmudug ka wadaan gobolkaas, kuwaasoo degaano badan looga saaray Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Gudoomiyay Shir arimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo qaabilay Mr. Flippo Grandi oo Kismaayo ka degay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al-shabaab oo degaano cusub ka qabsatay gobolka Bari iyo xiisado dagaal oo ka taagan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---