Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi & Madaxda heyadaha Q/Midoobay?

Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyada Hargeysa ku qaabiley Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu-duwaha Gargaarka bini’aadantinimada, Mr. George Conway oo ay wehelinayeen madaxda ugu sareeya toban Hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha qaramada midoobay ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan, si waafaqsan shuruucda dalka Somaliland iyo ta caalamiga ahba.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku booriyey madaxda Wasaaradaha kala duwan ee dalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay inay kuwada shaqeeyaan isfahan iyo shuruucda dalka u dejisan.

Waxaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaraddaha Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska  mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor); Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka mudane Axmed Maxamed Diiriye  (Toorno); Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif); Gudoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Agaasinaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Axmed Abokor Maxamed.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinayey Ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay, Mr. Crispen Rukasha Wakiilka OCHA, Mr.Ruger Kahwa, Madaxa Xafiiska OCHA,  Mr. Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF, Mr. El-Khidir Daloum Mahmoud, Wakiilka WFP, Mr. Frantz Celestin, Madaxa IOM, Mr. Charles Mballa, Wakiilka UNHCR, Mr. Abdoul Karim Bah, Madaxa Xafiiska FAO, Ms. Anna Maria Adhikari, Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG/RC/HC, Mr. Nikolai Rogosaroff madaxa UNSOM iyo Abdi Askar oo ka socda Xafiiska Hargeysa.

Related posts

Xukuumada Somalia oo ka hadashay shirka Wada tashiga ee ka socda Garoowe

Caydiid Ali

Spain: Safiirkii u horeeyey Falastiin oo warqadaha laga gudoomay

Caydiid Ali

Ciidamada Dowladda oo gubay Gaari Dagaal oo Al Shabaab lahaayeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---