Saameyn adag oo ka dhalatay go’aankii DF ku soo rogtay dayuuradaha taga Kismaayo

Iyadoo toddobaad laga joogo markii Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in dhamaan duullimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ee magaalada Kismaayo ay soo maraan Muqdisho ayaa arintaas ka dhashay saameyn culus.

Go’aanka dowladda ay ku soo rogtay duullimaadyada oo u muuqda mid dhaqan galay ayaa saameeyay dadka rayidka ah ee adeegsada diyaaradaha isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo.

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ee xafiisyada ku leh magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay kordhiyeen qiimaha lagu raaco dayuuradaha, iyagoo sabab uga dhigay inay dhib ku qabaan duulimaadka soo kordhay oo ay khasabka tahay in diyaaradii ka baxda Kismaayo toos u aado Muqdisho, markaas kaddibna ay u duuleyso Nairobi, taasoo ka dhigan in saacad iyo bar safarkii qaadan jiray uu hadda labo u jibaarmay.

Sidoo kale dhaqaalihii lagu raaci jiray diyaaradaha ayey sheegeen inay kordheen, maadaama uu kordhay duullimaadkoodii ay ku tagijireen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Talaabadan ay qaaday dowlada Somalia oo loo malaynayo iney salka ku heyso khilaafka kala dhexeeya madaxda Jubbaland ayaa saameynta ugu badan waxay ku yeelatay shacabka ku sii jeeda iyo kuwa ka soo dhoofaya Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -