Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay caawa wax yar ka hor salaadii maqribka magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Al-Naciim oo ku taalla degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in goob ay ku qayilayeen askar ka tirsan ciidamada dowlada iyo dad shacab ah uu isku qarxiyey qof watay mooto qaraxyo lagu soo xiray oo xawaare sare ku socotay.

Ugu yaraan lix qof oo ka tirsanaa dadkii halkaas fadhiyey oo u badan askar ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen weerarkaas, halka qaar kale oo dhaawacyo qabana loola cararay Isbitaalada.

Ciidamada amaanka dowlada oo halkaas gaaray wax yar ka dib ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin qaraxan, sidoo kale ma jirto cid sheegatay inkastoo qaraxyada noocan ah ee lala beegsado askarta dowlada looga bartay kooxda Al shabaab

Related posts

Maxaa ka Dhaxeeya Kutlada Badbaadada Baarlamaanka 2018-ka iyo tii 2014ka ?

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo Sanadkan Xajka laga mamnuucay in dadkiisa yimaadaan

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in lacag loo heysto ciidanka dowlada Somalia loogu tababaray Eritrea?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---