Allbanaadir.com
NEWS

Markab laga leeyahay Israiil oo gacanta u galay burcad badeed Soomaali ah

Burcad badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Basilisk kaasoo ahaa kuwa xamuulka (General Cargo Ship, IMO 9539377)

Markabkan oo ku gooshaya calanka dalka  Liberia wuxuu ku jihaysnaa dakada Jabal Al ali ee Abu dhabi UAE wuxuuna kasoo shiraacday magaalada Rotterdam ee dalka Britain isagoo kusoo hakaday dekadda Porto Grandev ee jasiirada galbeedka afrika ku taalla ee Cape Verde.

Xiliga la weerarayey wuxuu marayay meel  400 nautical miles (742km)  uga beegan koonfur galbeed magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

17 shaqaale ah ayaa saaran sida la sheegay waxayna wali ku xaniban yihiin qolka badbaadada ee markabka iyadoo kooxdii burcad badeeda ay gabi ahaanba la wareegeen qolka howlgalka markabka iyagoo xanibay dhammaan isgaarsiinta.

Shirkadda  iska leh  markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Israaiil wuxuuna qayb ka ahaa maraakiibta dhawaan laga weeciyey badda cas iyadoo laga baqayo weerarka kooxda Xuutiyiinta.

Related posts

(Sawirro) Geelle oo ku laabtay Jabuuti ka dib Warar laga baahiyey xaaladiisa Caafimaad

Caydiid Ali

Magaca ciyaaryahan oo cabsi iyo jahwareer ka dhax abuuray diyaarad rakaab gudaheeda

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyey Degmo cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---