Allbanaadir.com
NEWS

Golaha amaanka ee QM oo cunaqabateyn ku soo rogay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay golahaasi.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyey loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska UK u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Sadexda nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir  oo ah Hogamiye sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed  Mire oo Al-shabaab u qaabilsan ururinta Zakada;

3- Mohamed  Cumar Mohamed  oo ahaa Gudoomiyaha kooxda Al-Shabaab ee degmada Diinsoor

 

Related posts

Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nuur ka hadlay sababihii looga saaray Guddiga Maaliyadda (Akhriso)

Caydiid Ali

In ka badan 100-qof oo ku dhimatay Biyo xireen soo dumay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cabsi soo wajahday shacabka Israel ka dib hanjabaadii ka soo yeertay Iran

Caydiid Ali