Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo xaqiijiyey Khasaare ka soo gaaray weerarkii Janaay Cabdalle

Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in askari looga dhaawacay weerar ka dhacay degaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo

Gaashaanle sare Christopher Karns oo u hadlay ciidamada milatariga Afrika ayaa sheegay in weerarkaas uu dhacay xilli ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ku jireen hawlgal ahaa talosiin iyo taageero.

Weerarka ayuu sheegay iney Al-Shabaab u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo hoobiyeyaal.

Christopher Karns waxa uu sheegay in askarigaas xaaladdiisu ay deggan tahay, lana daweynayo, isagoo xusay in dhaawaca soo gaarayna aanu ahayn mid halis ku ah naftiisa, isagoo dhinaca kale xusay in mid ka mid ah xoogaga Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Danielle Stella oo talaabo laga qaaday ka dib markii ay Ilhaan Cumar..

Caydiid Ali

Israel oo qiratay Saraakiil iyo askar looga laayey Gaza

Caydiid Ali

Wasaarada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada DF oo digniin u dirtay shacabka Cadale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---