Ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal oo nin kala baxay guri ku yaalla Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlada Somalia ayaa barqanimadii maanta howlgal gaar ah ka sameeyey degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayey ciidamadu ka fuliyeen guri ku yaalla Waaxda Horseed ee degmada Waaberi oo bartilmaameed ahaa, iyagoo kala baxay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa qoyska degenaa gurigaas.

Ninkan dhalinyarada ah ayey ciidamadu ka xireen gacmaha iyo indhaha iyagoo ka dibna saartay gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen, lamana oga halka ay la aadeen iyo sababta ay u xireen inkastoo wararka qaarkood sheegayaan in looga shakiyey Al-shabaab.

Howlgalkan oo u muuqday mid farmuuq ah ayey ciidamadu xireen wadooyinka soo gala gurigan ka hor inta aysan kala bixin wiilka dhalinyarada ah ee ay beegsanayeen.

Waxaa howlgalkan uu ku soo aaday xilli mudooyinkan ay ku soo badanayeen degmada Waaberi dilal qorsheysan iyo qaraxyo, shalay ayayna aheyd markii ciidamada dowladu ay qarxiyeen miino la dhigay meel ku dhow suuq yare ku yaalla degmada Waaberi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -