Dowladaha Somalia & Cuman oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo la xiriira..

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa hoga tusaaleynaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah, Is afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal.

Heshiiskan is afgaradk ah ayaa sidoo kale xoojinaya sii amba qaadidda dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo hannaanka iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saldanada Cumaan.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee dowlaha daneeya Soomaaliya taas oo qeyb ka ah qoraheyaasha horutabinta u leh horumarinta Kalluumeysiga gudaha, abuurista furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Kalluumeysiga taas oo horseedi doonta in dalkeeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

- Advertisement -