Booliiska Muqdisho oo dadka uga digay Qabyaalad iyo Inshax-xumo xilli ay xarig bilaabeen

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa maalmahan magaalada Muqdisho ka bilaabay in ay xir xiraan dadka ka shaqeeya iska horkeynta bulshada iyo sidoo kale dadka abuuraya xiisadaha iyo qabyaalada.

Ciidamada ayaana maalmihii lasoo dhaafay xabsiga dhigay dhallinyaro lagu eedeeyay kicin bulsho, qabyaalad iyo anshax-xumo, waxa ay sidoo kale booliiska xireen dad sameeyay dibad-baxyo rabshada wata iyo dad kale oo u gafay madaxda dalka iyo garsoorka.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa looga digay dadka in ay ka fogaadaan anshax-xumada , qabyaalada iyo wax kasta oo wax u dhimaya sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

”Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta Qeyb ka yahay Hormarka Bulshada Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan Bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara Anshax xumo, sida Qabyaalada, Kicinta dadweynaha iyo wixii lamid ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa howlgalkan cusub ay bilaabeen ciidanka booliiska, kuwaa oo lagu soo xir xirayo dadka ku leh iska horkeenta bulshada iyo dadka wax ka sheega madaxda dalka

- Advertisement -