Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Booliiska Khaatumo oo gacanta ku dhigay gabdho Tahriibayaal ah Dibadda loo waday

Ciidanka booliiska maamulka SSC Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro tahriibayaal ah, kuwaa oo u badnaa haween la sheegay in loo waday meelo ka baxsan dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska booliiska Khaatumo ayaa lagu sheegay in xog ay heleen ay horseeday in gacanta ku dhigaan haweenkan tahriibayaasha ah, waxa ayna sheegeen in loo waday gabdhahan dad aan u naxeyn sida ay tilmaameen.

Booliiska Khaatumo ayaana digniin adag u diray dadka cadeestay tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale waalidinta dhalay dhallinyarada la tahriibinayo ugu baaqeen in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa carruurtooda.

”Ciidanka Bilayska ee SSC-KHAATUMO waxay u digayaan dad ka ku lugta leh ee caadaystay inay dhalinyaradan tahriibiyaan kana ganacsadaan ,iyagoo gacanta u galinaya dad aan u naxayn .Taliska Bilayska ee SSC -KHAATUMO waxay farayaan dhamaan waalidiinta inay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, kuna soo war galiyaan laamaha amniga si loo yareeyo khatarta tahriibka ee dhalinyarada” ayaa lagu yiri warka booliiska SSC kasoo baxay.

Ugu dambeyn booliiska Khaatumo ayaa ku amray shirkadaha socdaalka ee gobolada dalka inay ka digtoonaadan inay soo qaadaan dhallinyaro aan haysan dad ka masuula ama damiin ka ah , shirkadii lagu qabto inay la socdaan tahriibayaal ay la kulmi doonto sharciga lana ganaaxi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

60 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey degaanka Ceel-dhuun adeegow (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2023 iyo Muuse Biixi oo..

Caydiid Ali

Ruushka oo gacanta ku dhigay rag u dhashay UK oo lagu qabtay Dagaalka Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---