Dowlad shaacisay in safaarad ka furanayaan magaalada Ramallah ee dhulka Falastiin

Dowladaha caalamka ee garab istaaga iyo taageerada u muujinaya shacabka iyo dowladda Falastiin ayaa sii kordhaya, xilli ay Israel si weyn u dhibsaneyso taageerada loo fidanayo dowladda Falastiin.

Colombia oo kamid ah dowladaha kuyaalla Latin Amerika ayaa sheegtay in ay qorsheeneyso in ay safaarad ka furato dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada Ramallah, waxa ayna dowladan kamid tahay dowladaha sida weyn ugu ololeenaya Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Columbia, Luis Murillo ayaa sheegay in Madaxweyne Gustav Petro doonayo sidii safaarad looga furi lahaa xuduudaha Reer Falastiin, gaar ahaan magaalladda Ramallah oo ku taalla deegaanada Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

Madaxweynaha dalka Colombia ayaa sidoo kale mar sii horreysay maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ugu baaqay in lasoo xiro lana ciqaabo Ra’isul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu uu ku eedeeyay xasuuq.

Qorshaha dowladda Colombia ku dooneyso in ay safaarad uga furato dhulka Falastiin ayaa kusoo aadaya , xilli shalay saddex dal oo Qaarada Yurub kuyaalla dowlad rasmi ah u aqoonsadeen Falastiin  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -