Labo dal oo kuyaalla Qaarada Yurub oo dowlad rasmi ah u aqoonsanaya Falastiin

Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa taageero badan u muujinaya dowladda Falastiin, waxa ayna u arkaan xalka colaada u dhaxeysa Falastiin iyo Israel in loo macaamilo sida labada dal oo kale .

Dowladaha Ireland iyo Spain ayaa qorsheenaya in Falastiin u aqoonsadaan dowlad rasmi ah, waxa ayna labadan dal rumeeysan yihiin in Falastiin ay tahay dal madax-bannaan oo mudan in dowlad loo aqoonsado.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ireland ,Simon Harris ayaa maanta lagu wadaa in uu qabto shir jaraa’id uu dowlad rasmi ah ugu aqoonsanayo Falastiin, waxa uuna aaminsan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda u dhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiin.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha dalka Spain, Pedro Sanchez oo isna la filayo in hadal u jeediyo Baarlamaanka dalkaasi ayaa ku dhawaaqaya in Falastiin u aqoonsadeen dowlad rasmi ah oo lamid ah tan Isreal.

Maamulka Isreal ayaana si weyn uga soo horjeestay tallaabadan dalalkan Yurub kuyaalla ku aqoonsanayaan dowlad Falastiin, waxa ayna Isreal sheegtay in tallaabadan sii hurineyso colaada iyo dhibaatada ka dhax taagan Falastiin iyo Isreal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -